skip to Main Content

Higaadi qaran ayaa waxaa ku guulaystay gabadh yar oo madowga maraykanka u dhashay ah

Ridwan Ali

Zaila wey ogayd inay noqon doonto qofkii ugu horreeyay ee Afrikaan Mareykan ah ee ku guuleysta higaada erayada. Waxay ogayd in carruurta Madowga ah ee waddanka ku nool ay daawanayaan telefishanka ESPN2 habeenka Khamiista, iyagoo sugayaya in ay dhiirigalin, iyo rajo ka helaan si ay u raacaan raadadka qof iyaga u eg. Xitaa waxay ka fakartay MacNolia Cox, oo ahayd 1936 kii noqday qofkii ugu horreeyay ee Madoow ee finalka ka gala higaada erayada loomana oggola inuu hoteel la joogo inta kale ee tartamayaasha.

Laakiin waligeed uma oggolaan in cadaadis isa saarto, markii ay maqashayna waxa u noqday eraygeeda ugu danbeeyay ay guusha ku gaadhi lahayd – “Murraya,” oo ah nooc ka mid ah dhirta kulaylaha Aasiya iyo Ustaraaliya ka baxa – ayay si kalsooni leh u higaadisay halkaasna guusha ku qaaday.

Jody-Anne waxay ahay qofkii madow ah ee ku guulaysta higaada eraya lakin waxey u dhalatay wadanka jamaykanka halkaasna Zaila ku noqotay gabadhii afrikan maraykanka ah ee ku guulaystay tartankaan.

Zaila waxay ku guulaysatay lacag gaadhaysa $50,000 dollar ah. Zaila waxay halkaas ka sheegtay inay rajeynayso inay iskool ka dhigato jamacada Harvard kadibna ay ciyaarto kubada kolayga.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top