skip to Main Content

In ka badan 7 qof oo ku dhimatay dab saameeyay keynta Algeria

by abdinajib abdullahi
Ugu yaraan toddobo ruux ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen halka labo kale ay dhaawacmeen kadib dab qabsaday keyn ku taallo wadanka Algeria kaasoo sii faafay.
Dhaawaca ayaa aad u daran sida laga soo xigtay maamulka difaaca madaniga ee dalkaasi.
Warbaahinta dowladda Algeria ayaa ku warramaysa in guriyo dhowr ah ay gebi ahaan burbureen .
Wargeyska al-Bilad waxaa uu qoray in dadka hooy la’aanta noqday ay tageen dugsiyada ku yaalla gobolka Tizi Ouzou si ay goobahaasi hooy uga dhigtaan.
Gobolka Tizi Ouzou ayaa masaafo dhan qiyaastii 150 kiilomitir dhanka bari kaga beegan caasimadda wadankaasi ee Algiers.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ugu yaraan 19 dhacdooyin oo dab kacay ah laga soo tabiyay 14 gobol oo ku yaalla Algeria.

xaquuqda weydhowrsantahay:Boudless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top