skip to Main Content

Wasiirka arrimaha dibadda ee Taalibaan oo la kulmaya dhigiisa Pakistan iyo Shiinaha

By Abdinajib Abdullahi 

Afghanistan (Boundless media)

Wasiirka ku meel gaarka ah ee arrimaha dibadda ee maamulka Taalibaan oo ka taliyo wadanka Afghanistan Mawlawi Amir Khan Muttaqi ayaa la filayaa inuu kulan la qaato dhigiisa Pakistan iyo sidoo kale Shiinaha.
Guddiga golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa wasiirka u oggolaaday inuu u safro Pakistan oo ay sidoo kale ku sugan yihiin xubno ka socdo dowladda Shiinaha.
Muttaqi ayaa waxaa in muddo ah saarnayd xayiraad dhanka safarrada ah iyo hantidiisa oo la xannibay .
Warbaahinta TOLO News ee dalka Afghanistan iyo shirkadaha warfaafinta ee Pakistan ayaa tabinaya inay is arki doonaan Muttaqi iyo dhigiisa wadankaasi Bilawal Bhutto-Zardari.
Hasa ahaate wasaaradda arrimaha dibadda ee Afghanistan ayaan weli arrintan ka hadlin.

Xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top