skip to Main Content

Guddiga ICJ laantiisa Dalka kenya oo cambaareyay dil loo geystay shaqsi baraha bulshada wax kuso qori jiray

By Ayanle Dhiire 

Guddiga caalamiga ee garsoorayaasha ee (ICJ) laantiisa Kenya ayaa si kulul u cambaareeyay afduub, dhibaateyn iyo dil loo gaystay Daniel Muthiani oo loo yaqaanay Sniper.
Waxaa uu ka mid ahaa shakhsiyaadka warbixinnada kala duwan ku soo bandhigo baraha bulshada iyo shabakadaha intarneetka ee ismaamulka Meru.
ICJ Kenya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dastuurka wadanka u degsan uu qofka xaq u siinaya inuu dareenkiisa cabbiro sidoo kalena uu raadsado macluumaadka uu u baahan yahay.
Guddigan ayaa hoosta ka xarriiqay in qof kasta oo kenyaan ah uu xaq u leeyahay inuu dhaliilo oo uu su’aallo waydiiyo shakhsiyaadka haya xilalka hoggaanka.
Bayaanka waxaa laamaha ammaanka loogu baaqay inay baaritaano qoto dheer ku sameeyaan dilka loo gaystay Daniel oo ayna dacwad ku soo oogaan cidii falkaasi ka dambeysay.
Ninkan ayaa la waayay 2-dii bishan 12-aad ee Disemebar waxaana meydkiisa la helay 16-kii bishan.
Baaritaan uu Jimcihii sameeyay dakhtarka dowladda u qaabilsan baaritaannada meydadka Johansen Oduor ayaa waxaa uu ku sheegay in Daniel la ceejiyay.
Waxaa meydkiisa lagu arkay dhaawacyo ka soo gaaray madaxa iyo feeraha oo jabay.
Ka dib markii la dilay ayaa meydkiisa webi lagu dhex tuuray.
Booliiska oo baaritaano sameeyay ayaa sheegay inay jiraan dad lagu tuhunsan yahay inay dileen Daniel kuwaasoo lagu daba jiro.

 

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top