By Ayanle Dhiire (Boundless Media)
Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja- One Kenya Raila Odinga ayaa maanta guddoomin doono shir ay yeelanayaan xildhibaannada baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare ee ka tirsan mucaaradka.
Qodobbada ugu muhiimsan ee shirka ayaa ah sida ay xubnaha Azimio uga soo horjeedsan karaan meel marinta hindise maaliyadeedka Finance Bill 2023 iyo wada-hadalladii u dhexeya siyaasiyiinta mucaaradka iyo kuwa muxaafidka ee la hakiyey.
Shirka Azimio iyo waxyaabaha diiradda lagu saari doono waxaa warbaahinta u xaqiijiyay madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka dalka Opiyo Wandayi .
Waxaa uu sheegay in garabka mucaaradka ee dalka uu horay u cadeeyay mowqifkiisa ku aaddan hindise maaliyadeedka baarlamaanka hor yaalla balse kulanka maanta uu xubnaha Azimio fursad dheeraad ah u siin doono inay sii adkeeyaan go’aankooda ay uga soo horjeedaan qorshaha dowladda dhexe!